Taliyihii hore ee Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu kula taliyay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi-Barre.
Fahad Yaasiin wuxu u soo jeediyay Ra’iisulwasaaraha sedex talo si uu bad-baadsado kursigiisa madaama uu saameyn ku yeelanayo khilaafka soo kala dhex-galay Dowlada iyo Maamulka Jubaland.
Fahah yaasiin ayaa qoraalkiisa oo uu talooyin ku siiyay Ra’iisulwasaaraha wuxuu u qornaa sidan:-
Raysal Wasaare Xamza iyo xalka Jubaland
Khilaafka siyaasadeed ee dhex taalla Jubaland iyo Dowlada Federaalka waa imtixaankii ugu halista badnaa ee taabanaya mustaqbalka Raysul Wasaare Mudane Xamse Cabdi Bare.
Dhan walba oo laga joogsado Mudane Xamse waxaa u furan tubaha soo socda;
1. In uu Axmed Madoobe soo qanciyo, kuna soo celiyo madasha, sidaasna uu ku damiyo xiisada taagan.
2. In Raysal Wasaare Xamse uu muujiyo awooddiisa, siyaasad ahaan iyo degaan ahaan labadaba, uuna caddeeyo in Jubaland aysan ahayn xarun siyaasadeed oo Axmed Madoobe kaligiis u furan.
3. In uu ku dhawaaqo in uusan haysanin awood dowladeed oo uu wax ku maquuniyo ama galaangal qaraabannimo oo uu kursiga kusii haysto, duruuftana ay ku kaliftay inuu noqdo nabadoon deeqsi ah, sidaasna uu ku sadaqeeyo kursigiisa.