Taliyihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaliya Fahad Yaasiin oo ka hadlay doorashada Maamulka Somaliland oo uu ku soo baxay C/raxmaan Cirro ayaa soo bandhigay 5 qodob oo cashir ahaan looga baran karo doorashadaasi.

Qoraalka Fahad Yaasiin ayaa sidan u qornaa:-

Advertisement

𝐍𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐚𝐝𝐚 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐰𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐚 𝐛𝐚𝐫𝐚𝐧𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐜𝐚𝐬𝐡𝐚𝐫𝐫𝐨 𝐬𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝.

1. Siyaasadda han iyo hoggaan bey ku bulaashaa, saadaal wacan iyo sabir baana yoolkeeda looga gungaaraa. Tusaale waxaa u ah Mudane Cabdiraxman Cirro.

2. Xisbiyada soo baxay waxay marag u yihiin in siyaasaddii Somaliland uu jiil cusub dhaxlayo, odayaashii hore iyo kuwii dhexe labadaba, waxaa ugu dambeeya Madaxweyne Cirro.

3. Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Alle ha u naxariistee, waa Ustaadka siyaasada Somaliland, waayo jiilka cusub ee dhaxlay siyaasadda waa ardaydii kasoo aflaxday dugsigii siyaasadda Siilaanyo.

4. Mudane Cirro guushiisa waxay ku qurxanayd inuu Siilaayo dhaxlo. Horumar iyo hiigsi sare ayuu gaarsiin lahaa Somaliland. Nasiib darro, wuxuu dhaxlay Muuse Biixi oo uga tagaya masas iyo musiibooyin in la saxaa ay Cirro ka cuni doonto kala bar wax ka badan muddo xileedkiisa.

5. Mudane Cirro, hab xukunkiisa kama duwanaan doono hab xukunkii Madaxweyne Daahir  Riyaale. Haddii Riyaale isticmaalay tabihii sirdoonka, Cirro wuxuu isticmaali doonaa ilbaxnimo diblomaasiyadeed.

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here