Agaasimihii hore ee Hay’ada Naba sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu ku weeraray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Dani.

Siyaasigaan ayaa isu maray labada masuul marka la eego qoraakiisa oo uusan waxba u reeban.

Advertisement

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka Fahad Yaasiin:-

 

Saciid Cabdullaahi Deni shalay markii ay dowladdii Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo shisheeyaha isku dhaceen wuxuu la saftay shisheeyaha.

Maanta isla hab dhaqankii buu ku samaynayaa dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh. Deni waa siyaasi u nugul shisheeyaha, kuna hadal adag mar walba qofka walaalkiis ah, mana kala saari karo danta qaranka iyo danta siyaasadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh qudhiisa, shalay markuu Deni shisheeyaha ka raacay maamulkii hore, wuxuu u yaqaanay taas kaarto siyaasadeed.

Laakiin ku dayan meyno oo kama tanaasuleyno mabaadi’da saxda ah ee difaaca dalka iyo u hiilinta qaranka.

Mucaaradnimada lafteedu akhlaaq bay rabtaa

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here