Taliyihii hore ee Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin ayaa ka hadlay kana soo saaray 5 fariimood heshiiskii Ankara ku dhexmaray Somalia iyo Itoobiy.
Fariimaha Fahad Yaasiin oo isugu jira Faa’iido,Fursad,Faraj,filanwaa iyo feejignaan ayaa sidan u qornaa:-
𝐅𝐀𝐀’𝐈𝐈𝐃𝐎: Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu xaqiijiyay dhawrista madaxbannaanida dalka, burinta heshiiskii Muuse Biixi iyo dib u dhigidda heshiiska bixinta badda.
𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃: Abiy Axmed wuxuu helay gaarista badda oo loo ogolaaday, galid iyo bixid ( In and out), damaanad qaadka dowlad saddexaad iyo joogista ciidankiisa Soomaaliya.
𝐅𝐀𝐑𝐀𝐉: Cabdiraxmaan Cirro toban saac kahor intaanan xilka loo dhaarinin baa Alle faraj cirka uga soo riday. Miinooyinkii uu uga tagay Muuse Biixi ayaa si sahal ah looga saaray jidka. Nasiino maskaxeed iyo buuq la’aan buu dadkiisa ugu shaqaynayaa.
𝐅𝐈𝐋𝐀𝐍𝐖𝐀𝐀: Dowladaha Masar iyo Eratariya heshiiskan wuxuu ku noqon doonaa filanwaa, waxayse sugayaan dhaqan galintiisa iyo wadahadallada soo socda ee nooca gaarista Badda ee Itoobiya ay dooneyso.
𝐅𝐄𝐄𝐉𝐈𝐆𝐍𝐀𝐀𝐍: Erayada la xiriiro gaarista badda waa kuwa u baahan la tashiyo sharci iyo taxadar dheeraad ah.