Fahad Yaasiin oo ah agaasimihii hore Nabad sugida qarankla ayaa ka hadlay dhacdadii shalay sida weyn baraha bulshada iyo warbaahintuba u hadal hayeen ee ahayd talaabadii Dowlada Somalia ay ugu diiday ra’iisulwasaarihii hore ee Somalia Maxamed Xuseen Rooble in loo cusbooneysiiyo baasaboor diblomaasiga.
Fahad Yaasiin wuxuu sheegay inay lama filaan ku noqotay in Ra’iisulwasaare Xamze Cabdi Bare xurmadarro kula kaco Raiisulwasaarihii uu xilka kala wareegay ee .Maxamed Xuseen Rooble .
“Xamza Cabdi Barre, wax walba inuu ku adeeco Madaxweynihiisa waan ka filayey, laakiin marnaba kama filaynin inuu masuulkii uu xafiiska kala wareegay xurmadarro kula kaco”ayuu yiri Fahad Yaasiin.
Wuxuu intaasi ku daray in qof kasta oo hore xil usoo qabatay ay xaq u leedahay inay hesho baasaboor diblomaasi.
Si kastaba dhacdadan oo aad looga falceliyay marka la eego baraha bulshada ayaa hadana wali aysan ka hadlin dhinacyada Dowlada iyo Maxamed Xuseen Rooble intaba.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM