HomeWarkiiFahad Yaasiin "Madaxweyne gogol qaran dhig si dalka loo bad-aadiyo"

Fahad Yaasiin “Madaxweyne gogol qaran dhig si dalka loo bad-aadiyo”

Taliyihii hore ee Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Fahad Yaasiin ayaa fariin uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamud.
Fahad ayaa madaxweyne Xassan u soo jeediyay inuu talada dhexda dhigo ka hor wax uu ku sheegay isku dhex yaaca.
Haddaba halkaan ka akhriso qoraalkiisa:-
“𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞, 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐞𝐱 𝐲𝐚𝐚𝐜𝐚 𝐤𝐚 𝐡𝐨𝐫, 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐥𝐚 𝐭𝐚𝐬𝐡𝐨.

Waxaan diyaar kuula nahay in aan meel la iska dhigo wax kasta oo kala aragti duwanaasha ah, oo aan kula wadaagno talo iyo tusaale walba oo dalka badbaado u noqonaya, waana waqtigii la muujin lahaa midnimo iyo wadajir keeni karta qorshe qaran oo looga hortagi karo argagaxisada halista ku ah jiritaanka qaranka.

Mudane Madaxweyne, hal codsi baan kuu soo gudbineynaa, iyadoo lagaa filanayo inaad soo dhaweyso oo aad aqbasho.

Madaxweyne, waxaad ku baaqdaa gogol qaran oo aad ugu yeerto cid walba oo talo iyo tayo kusoo kordhin karta xaaladda uu dalku marayo maanta. Gogoshaas ha noqoto mid furan oo shuruud la’aan ah, dhankaada iyo dhanka mucaaradka labadaba.

Madaxweyne, waqtigan maahan xiligii la is eedeyn lahaa, ee waa xaaladdii la midoobi lahaa, waxaan kaa rajayneynaa inaad noqoto odaygii qaranka, oo aad meel iska dhigto wax walba oo dalka iyo dadka kala qaybinaya.”
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -