Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababaha ay isaga hor imaadeen Farmaajo iyo Fahad Yaasiin taasoo soo dedejisay in Fahad shalay shaaciyo inuu ka haray la socodkii dhanka siyaasada ee Madaxweyne Farmaajo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada siyaasi bilihii ugu dambeeyay ay dhowr mar isku arkeen Qadar iyo Turkey islamarkaana uu jirey khilaafaad soo kala dhex-galay taasoo ay xalna u waayeen saaxiibadooda ku dhex-jiray.

Advertisement

Waxyaabaha la isku hayay waxaa ugu weynaa in la sameeyo xisbi ay doorashada danbe uga qeybgalaan hal musharax oo matala nabad iyo Nolol laakiin Fahad wuxuu watay qorshe ah in shir ay ku doortaan qofkii hogaamin lahaa xisbiga islamarkaana musharax u noqon lahaa.

Xildhibaan Farmaajo ayaa la sheegay inuu diiday soo jeedinta doorashada hogaamiyaha Nabad iyo Nolol , wuxuuna taas badalkeeda soo jeediyay in shaqsi shaqsi wax loo wada raadsado balse Fahad Yaasiin halkaasi ayay iska khilaafeen.

Warar kale ayaa sheegaya in Farmaajo uu qaatay talooyin reerkiisu siiyen intii uu xukunka hayay waliba dhamaadka xukunkiisii taasoo ahayd inuu ka haro Fahad-Yaasiin oo ay ku eedeyeen inuu sabab u yahay fashil badan oo Dowladii Farmaajo ku yimid sida hab dhaqankii Dowladii Farmaajo kula dhaqmeysay shacabka iyo siyaasiyiinta.

Si kastaba arimahan oo is biirsaday ayaa sababay in Farmaajo u jaakiro Fahad si ay mar uun laba doon u kala raacaan taasina waxaa xaqiijiyay Fahad Yaasiin oo isna fahmay ciyaarta Farmaajo, wuxuuna diyaar u yahay inuu siyaasadiisa kula midoobo siyaasiyiin kale.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here