Agaasimihii hore ee Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka Fahad Yaasiin ayaa baraha bulshada soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo shirka Wada tashiga qaran.

Fahad yaasiin ayaa si gaar ah su’aal uga keenay goorta Jubaland ay gudi doonto abaalkii uu hore ugu galay Maamulka Puntland,waxayna ku soo aadeysaa xili Axmed Madoobe uu shirka maanta hor dhigay in Puntland la’aanteed aan la qaban karin doorasho qof iyo  cod ah.

Advertisement

Qoraalka Fahad Yaasiin ayaa sidan u qornaa:-

JUBALAND GOORMEEY GUDEYSAA ABAALKII PUNTLAND?

Puntland abaal siyaasadeed oo aan la soo koobi karin bey ku leedahay Jubaland. Waa mar ay jiritaan ahaan u difaacdo muddo xileedkii hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mar ay siyaasad ahaan u badbaadiso muddo xileedkii Madaxweyne Farmaajo.

Taas caksigeeda waxaa qormaysa taariikh filan-waa ah, iyadoo maamulka Jubaland uu hayo xilka Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada, ayay Puntland dareemeysaa faquuq iyo fogayn kaga imanaya dhanka Dowlada Federaalka.

Waxaa la hadal hayaa in Madaxweyne Madoobe shirka madasha kaga khudbeeyey in Punland la’aanteed aanan go’aanno masiiri ah la gaari karin.

Haddii ay dhab ka tahay oo uu Puntland u abaal gudayo iyo haddii uu hadal hayn kaliya uga dan lahaa, waxaa laga ogaan doonaa war murtiyeedka shirka laga soo saari doono.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here