Maxkamadda Gobolka Baay ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay rag laba maalmood ka hor magaalada Baydabo ku dilay haweeney da’yar oo lagu magaacabo  Xaawo Luul Cabdiladhiif oo la sheegay in ay dhawaan umushay.

Dadweynaha magaalada Baydhabo ayaa u soo daawasho tagey goobta lagu fuliyay xukunka dilka ah raggaan oo lagu helay dambiyo la xiriira in ay kufsi iyo dil u geysteen Xaawo.

Advertisement

Amarka fulinta iyo qisaasta raggaan ayaa waxaa bixiyay madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagreen.

Sayga haweeneyda la dilay ayaa la sheegay in haweeneydaan dilkeeda loo adeegsaday toorey, isla markaasna ay raggaan doonayeen in ay ka qataan Taleefanka, horena ay caga jogleyn ula kulmeysay.

Qoyska Xaawa luul oo hore u dalbanayay caddaalad ayaa soo dhaweeyay tillaabada maanta ee lagu toogtay raggaan.

Hore sidaan oo kale waxaa magaalada Baydhabo laga oofiyay xadka dad hore u dilal u geystay.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here