JIGJIGA (DAYNIILE.COM)- Magaalada Jigjiga ee caasimada Dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa shalay ka dhacday arin fadeexad weyn ku ah madaxda maamulka Magaaladaasi gaar ahaana maayarka Magaaladaasi.
Mid ka mida guryaha dadka shacabka ahi degan yihiin ayaa waxaa qabsaday dab xoogan kadibna reerkii meesha deganaa waxaa soo wajahday gurmad la’aan dhanka Maamulka Dowlada hoose sida gaadiidka dam-damiska.
Qoyskii meesha deganaa oo naftooda kala baxsaday guriga ayaa markii ay waayeen wax gurmad ah oo dhanka Maamulka ah waxay ku qasbanaadeen inay soo kireystaan booyad ganacsi oo nuuca biyaha qaada ah .
Booyadaasi ayaa mar danbe ku guuleysatay inay baqtiijiso biyaha taasoo dadkii xaafada aad ula anfariireen madaama iyagana beri ku dhici karto arintaasi oo kale.
Marka loo eego baahida shacabka iyo Maamulka oo canshuur ka qaada waxaa shalay banaanka timid fadeexad weyn oo soo foodsaartay maamulka gaar ahaan maayarka oo ah kan ugu sareeya dhanka Dowlada hoose madaama reerkaasi ku qasbanaaday inay is maareeyaan madaama maamulku shaqadiisa gabay.
lama yaqaan sababta maamulku sidaas ugu dhaqmay shacabkii uu matalayay islamarkaana uu canshuurta ka qaadayay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
XIGASHO SAWIRKA BOGA VOSS-TVÂ