Maalmahaan waxaa na soo gaaray Magacyo ay isticmaalaan Qurba joogtu oo ah Xaliimo iyo Faarax Luga Baasto. Somalidu Badanaa waa Jinsi asal ahaan dhuudhuuban oo Maja yar yar. Majaha yar yarna ummadaha qaar Qurux ayeey u yaqaaniin.(F.S : 1-2aad).
Ragga Caloosha Buuran waxa ay astaan qurux u tahay Qabiiladda dego Koofurta Ethiopia. Ragga Guur doonka ah waxaa la hor keenaa Bulshada, kan ugu Calool weyn ayaana ugu qurxan oo Gabdhuhu ay ka xushaan. (F.S:3aad)
Dhaqanka iiraantii hore iyo Dalka Muritaanya, Hadda Gabdha Buuran ayaa qurux ah. Waalidkuna waxa ay ku dadaalaan in ay Gabartooda Cayiliyaan oo yaraantooda ayaa cunta badan lagu khasbaa. ( F.S:4-5aad)

Haddii Farax Luga Baasto aad ku ceeyso sida lugihiisu u yar yar yihiin ama loo uumay. Ma waxaad eedeeynee Makhluuqan Faarax aad u bixisay, mise Khaaliqii Sidaa u uumay. Aaydda Qur’aanka ayaa aheyd “Suuradii uu doono ayuu Alle u uumaa Qofka” .

Advertisement

Waxaa lagu duceystaa Majaheena, Majihii Cabdullahi Bin Muscuud RC, Alla ha ka dhigo.

Cabdullahi bin Mascuud Waxa uu ahaa Nin Saxaabi ah oo gaaban, dhuuban oo Maja yar yar, kana mid ahaa Asaxaabta kuwa ugu Cilmiga badan. Maalin ayuu Geed koray isaga oo is leh Caday uu Rasuulkeena Muxamed SCW u dirtay uga soo gooy. Majihiisaa ayaa muuqday. Saxaabadii qaar ayaa ku qoslay. Nabigeena Muxamed CSW ayaa yiri: Majahaan aad ku qosleeysiin ee Cabdullahi Bin Muscuud miisaanka Qiyaamaha waa ka culus yihiin Buurta Uxud.

Somaliya inta Majaha yar yar oo Aniguba aan ka midka ahay, umaleey maayo in Lugaheenu ay Culeeys ku dhan yihiin Majihii Cabdulaahi Bin Muscuud. Laakin Magacyada aad Qurbaha nooga keenteen ee Faarax iyo Xaliimo Haddii ay Magac tahay dhib male, laakin haddii aad Caay uga jeediin Majaheena amaan noo siiya.

Qore :Yahya Amir

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here