Khilaafka ugu weyn ee haatan ka taagan Soomaaliya wuxuu salka ku hayaa nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2026. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku adkeysanaya in doorasho qof iyo cod ah la qabto waqtigaas, isagoo sheegay in dowladdiisu ka go’an tahay hirgelinta hannaankaas dimuqraadiyadeed iyadoo lawada ogyahay in muddo xileedkiisa ka hartay hal sano.

Si kastaba ha ahaatee, hoggaamiyeyaasha maamul-goboleedyada qaarkood iyo siyaasiyiin caan ah ayaa ka soo horjeestay qorshahan Madaxweynayaasha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Jubbaland, Axmed Madoobe, ayaa si wadajir ah u muujiyay diidmo ku aaddan waqtiga loo qorsheeyay doorashada, iyagoo walaac ka muujiyay hannaanka iyo waqtiga doorashada.

Advertisement

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre , Siyaasi Cabdirahman Cabdi Shakuur ayaa sidoo kale dhaliilay go’aannada laguso xulay Guddiga Doorashooyinka , iyagoo walaac ka muujiyay waqtiga doorashada iyo arrimaha la xiriira dowladnimada.

Haatan waxaa muuqata in Khilaafka uu muujinaayo kala duwanaanshaha aragtiyeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada qaarkood, taasoo saameyn ku yeelan karta hannaanka dimuqraadiyadda iyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Sida aan la socono khilaafka ugu weyn ee la xiriira doorashada 2026 wuxuu salka ku hayaa qaab-dhismeedka Guddiga Doorashada Qaranka, kaasoo ay isku hayaan dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

Maamul-goboleedyada sida Puntland iyo Jubbaland ayaa ka biyo diidan qaabka loo dhisay guddiga, iyagoo sheegaya in dowladda federaalka ay si gaar ah u maamulatay dhismaha guddigan, taasoo keeni karta in ay doorashada u dhacdo si aan dhexdhexaad ahayn. Waxaa sidoo kale la isku hayaa awoodaha guddiga iyo doorka ay maamul-goboleedyadu ku leeyihiin hannaanka doorashada.

Dhanka kale, dowladda federaalka ayaa ku doodaysa in Guddiga Doorashada uu u madax-bannaan yahay sidii uu u qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah, taasoo la doonayo in ay meesha ka saarto hannaankii hore ee doorashooyinka dadban.

Haddaba mucaaradka iyo siyaasiyiin badan ayaa ka walaacsan in haddii khilaafka la xallin waayo, ay suurtagal tahay in doorashada 2026 ay dib u dhacdo ama la isku khilaafo natiijadeeda. Wada-hadallo iyo xal laga gaaro arrintaas ayaa noqon doona mid xasaasi ah si loo ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

 

W/Q: Mohamed Abdullahi Mohamed (Cukaash)

E-mail :- mcmokaash21@gmail.com

 

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here