=XIGASHO BBC SOMALI=

Turkiga

Advertisement

Dawladda Turkiga ayaa magaalada Ankara ku casuuntay Wufuud kala matalaysa Soomaaliya iyo Ethiopia si looga wadahadlo xiisadda taagan.

Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwo “fool ka fool” ah maadaama ay Dawladda Soomaaliya meel adag ka taagan tahay qaddiyadda la xiriirta dhulka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeed wadajir ah, waxaa soo jeediyay dhexdhexaadiyaha, wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga.

Kulankaan oo ahaa kii koowaad ayaa soo gaba-gaboobay waxaana lagu ballamay wareeg labaad oo wadahadal ah 02 September 2024.

Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa, gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in dawladda Itoobiya ay ka noqoto heshiiskii is af-garad ee ay la gashay jamhuuriyadda iskeed madax bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, kaas oo Soomaaliya ay ku sheegtay in uu ahaa “sharci darro”.

Wadahadalka oo xalay fiidkii soo gebo gaboobay ayaa waxaa lagu ballamay in dib la isugu soo noqdo walow uusan jirin is fahan toos ah oo la shaaciyay.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa labaduba ka dhawaajiyay in ay muhiim

Labada dhinac waxay u mahadceliyeen Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo shir jaraa’id qabtay gaba-gabada shirka kadib ayaa yiri “ wada-hadallada Ankara ay ku gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya waa kuwo leh horumarro la taaban karo, isla markaana wareeggii labaad ee wadahadallada uu bisha September mar kale ka dhici doono dalka Turkiga”.

“Maanta waxaan ku faraxsanahay in aan taagannahay hortiina anniga oo ay ila jiraan labada wasiir ee dhigayga ah, wasiiradda Soomaaliya iyo Itoobiya walaaladay Taye Atske-Selassie, iyo Axmed Macallin Fiqi.

“Maantana wadahadalku waxa uu joogaa kaalin aan mudnaan weyn ku leenahay ayna ku jirto kalsooni xooggan, sidoo kale waxaa xusud mudan ogolaanshaha ay muujiyeen in ay ku qabaan madaxweyne Erdogan iyo Turkigaba waxay muujineysaa in aan ku taagannahay jidkii saxda ahaa”, ayuu sii raaciyay wasiir Fidan.

Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isla markii shirka uu soo idlaaday hadlay isaga oo ku sugan Muqdisho ayaa yiri, “Waxaa jirtay in dowladda Itoobiya ay Turkiga ka codsatay in ay wadahadal nala yeeshaan, dowladda Turkigana waa ay noo yeertay iyada oo wadahadal hore uu nooga socday Kenya ayuu ku soo beegmay codsigan ay dirtay Itoobiya”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay fashilisay wadahadalladii hore ee Kenya xilli ay Itoobiya sheegtay in ay dib ugu laabaneyso wadahadal dhexdeeda ah balse aysan dib u soo noqon.

“Annagu waligeen wadahadal ma aynaan diidin, Turkigu marka ay dheheen maxaad ka qabtaan in deriskiinnii soo codsaday wadahadalka aad la hadashaan waan aqbalnay”.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu carrabka ku dhuftay in aysan jirin wax lagu heshiiyay balse la’isku soo noqon doono.

“Waan jeclaan lahayn in mushkiladdaasi ay naga dhamaato oo wax waliba ay ku noqdaan sidii ay ahaayeen 1-dii janaayo kahor, nimankaas deriska aan nahay meel aan wanaagsaneyn ayey taabteen mana aysan muujin meel ay kaga noqonayaan”, ayuu sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Turkiga

Hadabba maxaa lagu micneyn karaa wadahadalkan?

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo BBC-da la hadlay ayaa ka faallooday kulankan isaga oo yiri, “Kulanku waxa uu aha amid loo baahan yahay, Soomaaliya wey ku saxneyd in ay kulankaa tagto, diblomaasiyaddu waa wadahadal, arrintanna waa mid culus haddiise xal laga gaarayo waa mid muhiimad leh”.

Wasiirku waxa uu sidoo kale wax aan wanaagsaneyn ku tilmaamay in wasiirrada labada dowladood ee Turkiga kuwada hadlay aysan si toos ah isku hor fariisan isaga oo ku sheegay in ay tahay mid diblomaasiyadda aan shaqo ku lahayn.

“Haddiiba ay labada wasiir isla istaagi karaan maxaa ku jaban in ay wada fariistaan maadaama dhammaadkii shirka ay si wada jir ah usoo istaageen shirka jaraa’id” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Cawad.

Dawladda Itoobiya weli kama aysan hadlin kulanka Ankara.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here