Degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan waxaa ku dagaalamay xalay Ciidamo ka wada tirsan Milatariga Soomaaliya kaasoo khasaara kala duwan dhaliyay.

Gaari uu leeyahay Taliyaha qeybta 27aad ee Milatariga Soomaaliya ayaa la sheegay in lagu dhuftay Mooto oo uu watay Askari kale halkaasoo murankii ka dhashay darteed u wacday Gaari Ciidan oo isla Milatari ah.

Advertisement

Labada Ciidan ayaa Daqiiqado israsaaseeyay, waana sababta keentay khasaaraha.

Inta la ogyahay Askari ayaa dhintay laba kalena way dhaawacmeen, waxaana lagu guulaystay in dagaalka la joojiyo.

Wararka ayaa sheegaya inay weli taagan tahay xiisadda dagaalkan, inkastoo lagu mashquulsan yahay daminteeda.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here