Warar isi soo taraya ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeya Ciidanka dowladda iyo kuwa maamulka Jubbaland oo ka socda magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo ku sugan Baardheere ayaa in dagaalkii saaka bilowday ay khasaare ku gaarsiiyeen Ciidanka Daraawiishta Jubbaland, islamarkaana ay ka qabsadeen xarumaha muhiimka ah ee degmadaas, balse ma jiraan ilo madax-bannaan oo arrintaas xaqiijinaya.
Advertisement
Rasaas ayaa weli ka dhacaysa magaalada, wuxuuna dagaalkani ku soo beegmayaa saacado ka dib markii xubno taageersan maamulka Jubbaland ay sheegeen inay si buuxda u wareegeen xarunta degmada.
Advertisement