Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab xooggan oo saacado ka hor qabsaday mid kamida suuqyada ugu waaweyn magaalada Hargeysa, waxaana isi soo taraya xogaha ku saabsan waxyeellada ka dhalatay dabkaas.

Suuqan oo lagu magacaabo Suuqa Idaacadda ayaa la sheegay in qeybo kamid ahi ay basbeeleen oo xarumihii ganacsi oo ku yaallay ay gubteen, halka qeybo kamid ahna la badbaadiyay sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Soomaaliland.

Advertisement

Muuqaallo la soo galiyay baraha bulshada ayaa muujinaya holaca iyo qiiqa dabka oo cirka isku shareeray, lamana oga sababata rasmiga ah ee ka dambaysay in dabkan xooggani uu qabsado Suuqa Idaacadda ee magaalada Hargeysa.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here