Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeymo diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay lala beegsaday fariisimo ay kooxda Daacish ku lahayd buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

War uu soo saaray dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in duqeymo culus lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Daacish ee gobolka Bari, halkaas oo lagu gubay saldhigyo ay kooxdu lahaayeen, waxayna Puntland sheegtay in duqeymahaas uu fuliyay Mareykanku.

Advertisement

Dowladda Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Mareykanka ee AFRICOM ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqeymahan la sheegay inay ka dheceen buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here