Wararka laga helo Suuqa labaad ee ugu weyn Soomaaliya ee loo yaqaanno suuq-bacaad, kuna yaalla degmada Yaaqshiid ayaa sheegay in dab xooggani uu qabsaday xarumo ganacsi oo halkaas ku yaalla, kuwaas oo burbur lixaad lihi soo gaaray.

Goobjoogeyaal aan wareysannay ayaa inoo xaqiijiyay in dabku uu ka kacay goob ganacsi oo ku yaalla Suuqa, gaar ahaan qeybta lagu iibiyo saliidda cuntada lagu karsado, islamarkaana uu ku faafay xarumo kale oo meesha ka ag dhawaa.

Advertisement

Gaadiidka dab damiska ayaa xilli dambe goobta soo gaaray, kuwaas oo ugu dambeyn ku guulaystay daminta dabka, balse ilaa seddax goobood oo ganacsi ayaa basbeelay oo gebi ahaanba gubtay sida ay sheegeen goobjoogeyaashu.

Dabka qabsada suuqyada dalka ayaa ah dhibaato soo noqnoqata ee si joogto ah u galaafata dhaqaalaha ganacsata Soomaaliyeed, xalkeedana cidina iskuma xil saarto.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here