Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelbaraf ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab  deegaanada ku xeeran magaalada Ceelbaraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wararka ayaa intaas ku daraayo in uu weli socda hawlgalka, iyada oo la sheegayo in uu khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhan ah Al-shabaab. Weli ma cadda khasaaraha ramiga ah ee gaaray AS.

Advertisement

Sidoo kale, wararka waxa ay sheegayaan in la burburiyey gaadiidkii ay wateen iyo goobihii ay ku lahaayeen deegaankaas.

Muddooyiinkii u dambeeyay Ciidamada Dowladda oo garabsanaaya kuwa deegaanka ayaa duleedka Ceelbaraf iyo deegaannada ku teedsan ka waday hawlaggalo ka dhan ah Al-shabaab.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here