Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ayaa maanta ka dhacay deegaanno ka tirsan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, waxaana la tilmaamayaa inuu ahaa midkii ugu xooganaa ee labada dhinac ku dhexmaray gobolka Bari.

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo amni ah ayaa sheegaya in  15 askari oo ka tirsan ciidamada Puntland ay ku geeriyoodeen, halka 51 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkan, soo si gaar ah uga dhacay deegaanka Dharin ee Togajaceel ee buuraha Calmiskaad.

Advertisement

Dhinaca kale, Puntland ayaa sheegtay inay dagaalka ku dishay 42 xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, iyadoo sidoo kale soo bandhigtay meydadka 10 kamid ah dagaalamayaal Daacish oo ajnebi ah oo lagu dilay dagaalka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu la wareegeen dhammaan deegaannadii ay horay ugu sugnaayeen kooxda Daacish.

Sidoo kale, Puntland waxay xustay in dagaalka uu dhankooda ka soo gaaray khasaare dhimasho iyo dhaawaca leh.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here