Wararka inooga imaanaya Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ayaa caawa lagu dul arkay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaana diyaaradan looga shakiyay in weerar ka geysan karto Villa Soomaaliya.
Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo ka shakiyay diyaaradan dushooda mareysay ayaa la sheegay in ay ku rideen rasaas culus , gaar ahaan qorayga loo yaqaan Dhashiikaha.
Sidoo kale waxaan wararka ku helnay diyaaradan aan duuliyaha laheyn ayaa looga shakisan yahay in ay qaraxyo xambaarsan tahay, waxaana horey u jiray digniino laga bixinayay diyaarado Drone ah oo qaraxyo lagu fulin karo.
Sikastaba ha ahaate Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la galiyay heegan sare, waxa ayna ciidamada diyaarsadeen hub ay ugu tala galeen in ay kusoo ridaan diyaaradan caawa looga shakiyay qaraxyada.