Waxaa soo baxaya faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaal culus oo saakay illaa galinkii dambe ee maanta ku dhexmarayay deegaanka Hararyo ee togga Jaceel, ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish.
Ilo-wareedyo kala duwan ayaa u xaqiijinaya HOL in dagaalkan uu sababay khasaare aad u ballaaran. Sida la xaqiijiyay, ciidamada Puntland waxaa dagaalkan kaga geeriyooday ku dhawaad 40 askari oo ay ku jiraan saraakiil dhowra , halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 70 askari.
Dhinaca kooxda Daacish, xogaha aan ka helnay saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland iyo afhayeenka howlgalka Hillaac, ayaa sheegaya, in dagaalka lagu dilay in ka badan 100 dagaalyame oo ka tirsan maleyshiyada kooxda Daacish.
Dagaalkii xalay ka dhacay aagga Hararyo ayaa sababay dhimashada 27 askari oo Puntland ah, sida uu xaqiijiyay Gen. Maxamuud Faadhigo, afhayeenka howlgalka. Dhimashada askartan ayaa timid markii ciidamada Puntland ay la kulmeen weerar ay Daacish kusoo qaadday iyagoo adeegsanayay koox ismiidaamiyaal ah oo watay mootooyinka Faykoonta iyo maleeshiyaad kale.
Sidoo kale, ciidanka Puntland waxay ka hortageen gaari saarif ah oo laga buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasoo lagu xirey biro adag oo xabbadu aanay karin. Intii aysan isqarxin, ayay ciidamadu toogteen 2 nin oo la socday gaariga.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Puntland ayaa guulo ka gaaray dagaalka maanta, iyagoo la wareegay goobo istiraatiiji ah oo horey ay kooxda Daacish uga talin jirtay.
Afhayeenka howlgalka Hillaac ayaa shir jaraa’id ku sheegay in la wado tiro-koobka khasaaraha kooxda Daacish, isagoo xusay in saakay la arkay 60 maydad ah, halka kuwo kalena lagu laayay godadkii ay ku dhuumaalaysanayeen.