=XIGASHO BBC SOMALI=

Waxaa laga digayaa suurtagalnimada weerarro ka dhaca Uganda

Advertisement

Afhayeenka booliiska dalka Uganda Kituuma Rusoke ayaa xaqiijiyay in digniino la xiri amniga ay ka heleen Qaramada Midoobay iyo Mareykanka, kuwaasi oo looga digayo weerarro argagixiso oo lagu soo beego markii ay dhaceen weeraradii argagixiso 11, September, 2001-dii markaas oo lagu qaaday New York ayna ku dhinteen 2,750 oo qof.

Ciidamada kala duwan ee dalka Uganda ayaa adkeeyay ammaanka agagaarka magaalooyinka halkaa oo dadkana baaritaanno xooggan lagu sameynayo.

Goobaha ammaankooda aadka loo adkeyay waxaa ka mid ah safaaradda Mareykanka iyo xarumaha Qaramada Midoobey ee dalka Uganda.

Safaaradda Mareykanka ayaa muujisay in ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya in ay dhici karaan weeraro argagixiso oo lala beegsado goobo ku yaalla gudaha caasimadda Uganda ee Kampala.

“Muwaadiniinta Mareykanka waxaa lagu dhiirigelinayaa inay taxadar dheeraad ah muujiyaan gaar ahaan suuqyada laga dukaamaysto, dugsiyada, iyo meelaha ay dalxiisayaashu tagaan,” ayaa lagu yiri war kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka.

Warar kale oo la baahiyay ayaa sheegaya in booliska Uganda ay heleen warar sirdoon oo tilmaamaya in kooxda Al- Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya ay qorsheynayaan in ay weeraro ka fuliyaan gudaha caasimadda Kampala.

Aagga la xusay in weeraradu ka dhici karaan waxaa ka mid ah Kampala International University, Suuq iyo goobo kale. Laamaha ammaanka ayaa lagu booriyay in ay la wadaagaan digniinahaan meelaha laga cabsi qabo in ay wax ka dhacaan.

Marka laga yimaado diigniinahaan ka soo baxay Qaramada Midoobey iyo safaaradda Mareykanka lana soo gaarsiiyay booliska, ma jiraan faahfaahinno kale oo dheeraad ah oo laga helay arrintaan. Balse tan iyo markii boolisku ay diigniinahaan ammaanka ku saabsan la wadaageen dadweynaha waxaa soo soo baxay walaac ay muujinayaan dadka qaar.

Ma ahan markii ugu horreysay ee digniin ceynkaan oo kale ah ay ka soo baxdo safaaradda Mareykanka ee dalka Uganda oo sanadkii 2015kii soo saartay digniin tan oo kale ah, iyada oo xilligaasi joojisay munaasabado ay doonaysay in ay ku qabto magaalada Kampala.

Soomaalida ku nool UgandaJamaacadda caalamiga ah ee Kampala

Soomaali badan ayaa ku nool dalka Uganda kuwaas oo qaarkood wax ka barta jaamacadaha halkaa ku yaalla. Jamaacadda caalamiga ah ee Kampala oo ku taalla caasimadda waa mid ka mid ah goobaha hadda laga digayo isla markaana la adkeyay ammanakooda, waxaana aaggaas ku nool Soomaali arday u badan.

Cabdiraxmaan Shangax oo ka mid ah dadka ku nool magaalada Kampala ayaa BBC-da u sheegay in ardaydu ay joojiyeen isu imaatinkii maqaayadaha iyo meelaha kale tan iyo markii digniintu ay soo baxday.

“Ardaydu dhaqdhaqaaqii way yareeyeen, waxay bilaabeen in ay qaataan kaararkooda aqoonsiga waxaana yaraaday ardaydii isugu imaan jiray maqaayadaha shaash,” ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Inkastoo aaney ardaydu joojoin aadista iskuulaadka iyo Jaamacadaha, haddana wuxuu sheegay Cabdiraxmaan in ay la kulmayaan culeysyo badan oo ah ciidamada la soo dhoobay meelaha ay ka mid tahay Jaamacadda Kampala iyo goobo kale kuwaas oo si ay amniga u sugaan sameynaya baaritaanno dheeraad ah.

Weerarro horey uga dhacay Kampala

Sanadkii -kii 2010-ka waxaa dalka Uganda ka dhacay weerar lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen dad daawanayay ciyaar ka tirsaneed koobka kubadda cagta adduunka, waxaana ku dhintay dad gaarayay 70 qof.

Mas’uuliyadda weerarkaas waxaa xilligaas sheegtay ururka Alshabaab ee Soomaliya ka dagaalama.

Dowladda Uganda ayaa markii dambe rag lagu helay in ay weerarkaas ka dambeyn ku ridday xukunno.

XIGASHO BBC SOMALI

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here