RIYAD (DAYNIILE.COM)-Muwaadin Soomaaliyeed ayaa saacadihii ugu dambeeyay lagu toogtay dalka Sacuudiga kaasoo ay ku eedeeyeen inuu daroogo soo geliyay dalkaasi sida uu xaqiijiyay Safiirka Somalia ee Dalka Sacuudiga Aweys Xaaji Yuusuf

Ninkaani Soomaaliga ah rabi ha u naxariistee oo lagu magacaabi jirey Maxamed Xuseen Nuur Gacal ayaa ka mid ah 45 Soomaali ah oo dhamaantood Sacuudigu ku xukumay dil toogasho ah.

Advertisement

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga oo dilkaani u xaqiijiyay Idaacad VOA lanteeda Soomaaliga ayaa dhanka kale Dowlada Somalia ugu baaqay in 44 kale ee soomaalida la bad-baadiyo madaama ay dil ku wada xukuman yihiin.

Wasiirka Cadaalada Somalia ayuu Safiirku ugu baaqay inuu soo gaaro Boqortooyada sacuudiga islamarkaana uu madaxda dalkaasi kala hadlo sidii loo bad baadin lahaa Soomaalida kale.

Xasan Xuseen Yuusuf oo ah adeerka wiilka la dilay ayaa VOA-da u sheegay inuu la soo xriiray kana codsaday in hooyadiis lagu salaamo.

“anigoo ila soo xiriiray wuxuna ii sheegay in madaxa maro loo geliyay isla-markaana uu taagan yahay goobta toogashada,wuxuuna dalbaday in hooyadiis lagu salaamo”ayuu yiri  xasan Xuseen Yuusuf oo ah adeerka wiilka la dilay

Dhanka kale Maxamuud Ismaaciil oo ka mid ah kuwa ee iyagana dilka ku xukuman ayaa Dowlada Somalia ka codsaday in laga soo gaaro lagana bad-baadiyo dilka.

“anagoo 45 soomaali ah ayaa xabsi iskula jirnay waxaan ku eedeysanahay daroogo soo gelin sucuudiga taasoo ay nagu qaaday fudeyd iyo dhalinyarnimo,hada saaka waxay naga dhex wateen walaalkeen Maxamed Xuseen Nuur Gacal wayna toogteen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here