Police and ambulances near the scene where three people were killed in an attack at a festival in Solingen, August 23, 2024SOLINGEN (DAYNIILE.COM)-Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay siddeed kalena dhaawacyo halis ah ayaa ka soo gaaray weerar ka dhacay goob xaflad ka socotay magaalada Solingen ee galbeedka Jarmalka.

Ninkaan weerar-ka soo qaaday wuxuu adeegsaday mindi taasoo uu dhimashada iyo dhaawacaba ku geystay.

Advertisement

Xaflada meesha ka socotay ayaa loogu dabaaldegayay sannad-guuradii 650-aad ee magaalada  Solingen ee ku taal galbeedka  dalka Jarmalka.

Booliska ayaa xaqiijiyay in Eedeysanaha uu baxsad ku jiro, isla markaana ay hadda ku raad joogaan.

Mid ka mid ah qabanqaabiyeyaasha xafladda, Philipp Müller, ayaa ka soo muuqday masraxa, wuxuuna ka codsaday dadkii xafladda soo xaadiray inay si deggan u socdaan.

“fadlan indhahaaga fur, waayo nasiib darro lama soo qaban dambiilihii oo ahaa  qof mindi ku hubeysan.”ayuu yiri Philipp Müller

Maayarka magaaladaas dhibku ka dhacay Tim Kurzbach ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ku yidhi:

“Maqribnimadii caawa, Solingen waanu wada naxnay, dhamaanteen waxa aanu rabnay in aanu si wada jir ah u dabaaldegno sannad-guurada magaaladeena, waxaa weerarkaani ka dhashay meyd iyo dhaawac”ayuu yiri Tim Kurzbach oo ah maayarka Magaalada Solingen oo ah halka mashaqadu ka dhacday

“Waxaa qalbigayga jebisay in weerar lagu soo qaaday magaaladeena,” ayuu mar kale  raaciyay.

Madaxa amniga ee gobolka Herbert Reul, ayaa sheegay tiro sideed qof ah oo dhaawac ah markii uu booqday goobta uu shilku ka dhacay saacadihii hore ee saaka oo Sabti ah.

“Mid naga mid ah ma garanayo sababta” weerarku u dhacay, ayuu yiri Reul, oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee gobolka North Rhine-Westphalia.

“Hadda waxba kama sheegi karo ujeedada.” Ma cadda cidda weerarka geysatay, ayuu yiri mar kale Wasiirka  laakiin danbiilaha ayaa goobta isaga baxay si degdeg ah.

SOURCE EURONEWS.COM
https://www.euronews.com/

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Emergency services tents stand in front of the stage in Solingen city center, Germany, Saturday Aug. 24, 2024, after three people were killed and at least eight people injured

Police and ambulances near the scene where people were killed and injured in an attack at a festival in Solingen, August 23, 2024

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here