HomeWarkiiFaah-faahinta Doomankii hubka u waday Alshabaab ee la bur-buriyay

Faah-faahinta Doomankii hubka u waday Alshabaab ee la bur-buriyay

Sida warbixinadii maanta aan idnku ku sheegnay si horu dhac ah in dooman hub u siday Alshabaab la burburiyay ayaa waxaa ka soo baxaya warar dheeraad ah.

Howlgalkaan ayaa dhacay doraad balse maanta ayay Dowladu shaacisay waxaana iska kaashaday howlgalka Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM)  kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararku waxay tilmaamayaan duqeymo dhanka cirka ah lagu beegsaday doon aan calan lahayn alshabaab u waday hub casri ah iyo waliba dooni caawineysay oo la socotay.

Mareykanka Taliskooda Afrika oo ka hadlay howlgalka wuxuu sheegay inay ka hor tageen falal amni daro oo lidi ku ahaa amniga somalia iyo kan guud ahaan tan gobolka  sidoo kale doomanka la burburiyay waxay lidi iyo dhibaato ku ahaayeen saaxiibada caalamiga ah.

Sidoo kale wararka laga helayo howlgalka wuxuu intaasi ku darayaa in howlgalkaani sidoo kale lagu dilay dadkii doomanka la socday xili dad shacabana aysan wax khasaare ah ka soo gaarin.

Warka Mareykanka inkastoo ay ku cadeeyeen inay duqeyn xaga cirka ah ku burburiyeen doomanka Alshabaab u siday hubka hadana ma aysan sheegin halka uu howlgalka ka dhacay ma bada somalia mise meel ka baxsan.

Dhanka kale Dowlada Somalia waxay soo dhaweysay howlgalka Mareykanku la beegsaday hubka alshabaab loo soo waday.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -