MAGDEBURG (DAYNIILE.COM)-Habeenkii Jimcaha waxaa dalka Jarmalka ka dhacay weerar loo adeegsaday gaari kaasoo lagu jiirsiiyay ama la dulmariyay dad u dabaal degayay sanadka cusub 2025 iyo maalinti masiixiyiinta oo aalaaa gaaladu xusaan sanadka dhamaadkiisa.
Goobta dadka lagu weeraray ayaa ah magaalada Magdeburg ee caasimadda gobolka Saxony-Anhalt ee bartamaha Dalka Jarmalka.
Weeerarkaasi waxaa ku dhintay ugu yaraan 2 ruux halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan 68 ruux kuwaasoo isbitaalada loo qaaday waxaana dhacdada ka hadlay Ra’iisulwasaaraha Germany Olaf Scholz kaasoo u tacsiyeeyay qoysaska dadka ku dhintay weerarkaani.
Waxaa soo baxaya warar ay Dowlada Germany soo saartay oo ay ku sheegayaan in ninka ku eedeysan inuu waday gaariga uu u dhashay dalka Sacuudiga islamarkaana uu sanado badan ku noolaa dalka Germany.
Ninka Sucuudiga u dhashay waxay Dowlada Germany xustay inuu yaha dhaqtar 50 jir ah kaasoo markii ugu horreysay yimid Jarmalka 2006 ,wuxuuna ka shaqeynayay oo uu ka howlgalaa magaalo qiyaastii 40 kiilo mitir u jirta halka dhibaatadu ka dhacday.
Baaritaanada Dowlada Germany sameysay waxaa durba ka soo baxay in ninkaani aanu u diiwaan gashneyn inuu yahay qo hore looga shakisnaa wax ay gaaladu dhahaan xag-jir Islaami ah balse waxaaba baraha bulshada lagu arkay inuu dhaqtarkaani sucuudiga ah uu ahaa shaqsi si weyn u dhaleeceeyn jiray Islaamka.
Eedysanaha waxaa loo diiwaan geliyay inuu falkaani falkaaani u geystay si iskiis ah oo uusan kooxna uusan ku xirneyn wali baaritaanku socodo.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM