JUBBA (DAYNIILE.COM)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya is raaaseyn xooggan oo xalay laga maqlay gudaha Magaalada Juba ee caasimada Dalka Koofurta Sudan taasoo cabsi gelisay shacabka reer Jubba.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaalkaasi ahaa howlgal ay ciidamada Dowladu sameeyeen xalay fiidkii markii ay weerar kadis ah ku qaadeen guri uu deganaa madaxii hore ee sirdoonka, Jen.Akol Koor Kuc.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamada Dowladu dagaal culus kadib ay u suuratgashay inay soo xiraan masuulkaasi ay weerarka ku qaadeen inkastoo ilaaladiisu muujiyeen iska caabin.
Madaxweynaha Koourta Sudan Salva Kiir ayaa la soo sheegayaa inuu bixiyay amarka lagu weeraray salkaalkasi islamarkaana lagu soo xirey taasoo xiisad cusub ka dhalin karta dalkaasi.
Digniin dhanka amaanka ah ayay Qaramada Midoobay u dirtay shaqaalaheeda ka howlgala Magaalada Juba sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters.
Qaramada Midoobe waxay fartay shaqaalaheeda inay gabaad ka dhigtaan xarumahooda ay degan yihiin oo ay yareeyaan dhaq dhaqaaqa dhanka socdaalka inta xaaladu iska badaleyso.
Xarigga ninkan oo awood badan u dhex lahaa Dowlada Koonfurta Suudaan, tan iyo markii ay madax bannaanida ka qaateen dalka Suudaan, ayaa mar horaba walaac laga muujiyay , sabab la xiriirta in xaalad amni darro ay ka dhalan karto, tana waxaa loo arka bilowga khilaafaad xukunka ah , kaddib markii dib loo dhigay doorashadii madaxtooyadda.
XAFFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM