a poster says to The Hague with a picture of a man

WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-shacab ku hor banaan-baxay aqalka cada ee Mareykanka ayaa soo qaatay boorar uu ku xardhan yahay sawirada ra’iisulwasaaraha Israa’iil kuwaasoo ku qeylinayay ‘Falastiin iib maaha.

Advertisement

Kulankaani oo ay wada qaateen Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra’iisulwasaaraha Israa’iil ayuu Trump kaga dhawaaqay inay la wareegayaan marinka Gaza islamarkaana ay shacabka reer Gaza u rarayaan dalalka Masar iyo Jordan.

Dibad-baxayaal ayaa isugu soo baxay bannaanka Aqalka Cad si ay u diidaan booqashada ra’iisul wasaaraha Israa’iil iyo baaqa madaxweynaha Mareykanka ee barakicinta qasabka ah ee Gaza.

Iyadoo madaxweyne Donald Trump uu ku baaqay in si isir ah loo nadiifiyo Gaza iyo in Maraykanku uu lahaanshaha dhulka Gaza la wareegayo.

boqollaal dibad-baxayaal ah oo diidan damaca trump ayaa iskugu soo ururay Aqalka Cad waxayna ka digeen waxa socda iyagoo ku dhawaaqay  “Falastiin iib ma aha”.

Mudaaharaadayaasha ayaa sidoo kale waxay ugu baaqeen maamulka Trump in uu joojiyo hubka uu siinayo Israa’iil.

Dibad-baxayaashu waxay ku dhawaaqayeen, inay Falastiin tahay xor , waxayna dhaleeceeyeen xadgudubyada Israel.

Michael Schirtzer, oo ka mid ah dadka u ololeeya mudaaharaadka, ayaa sheegay in shacabka Maraykanku aanay doonayn in lacagtooda cashuurta ah loo isticmaalo dilka Falastiiniyiinta.

Schirtzer ayaa meesha ka saaray baaqii Trump ee ahaa in reer gaza la barakaciyo oo uu ku tilmaamay sheeko waali ah.

“Dadka Falastiin meelna ma aadi doonaan. Waa dadka asaliga ah ee dhulkaas,” ayuu u sheegay Al Jazeera Schirtzer

“Waa caqli-gal gumayste inaad tiraahdo waxaad barakacinayaa shacab dhulkooda ku sugan”

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

A crowd of pro-Palestine protestors

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here