Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee xafiiska sii baneynaya Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir.
Guddoomiyaha cusub ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula yeeshay Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar, asigoona sidoo kale kormeer ku tagay xarumaha kala ah; Caafimaadka, Dad-dhigista, Gaadiidka, Gurmadka Deg-Dega, Dhalinyarada iyo xarumo kale oo ka tirsan Waaxyaha Dowladda Hoose ee Xamar.
Guddoomiye Maxamed Axmed Amiir ayaa u kuur-galay howlaha shaqo ee ka socda waaxyaha uu maanta booqday, asigoona warbixin ka dhageystay madaxda waaxyaha.








































Advertisement