MASAAJID CALI-GUDUUD (DAYNIILE.COM)-Inkastoo Gudoomiyaha Degmada Masaajid Cali Gaduud xalay uu shaaciyay inay dib ula wareegeen Magaaladaasi ayaa hadana waxaa muuqata in warkaasi ahaa been madaama saaka wali Alshabaab ka dagaalamayaan.
wararka aan hada heleyno ayaa sheegaya in magaaladaasi duqeyn dhanka cirka ah ay ku socoto xiligaan sidoo kalana weerar dhowr jiho ahna ay ciidamada Dowlada uga qaadeen si Alshabaab looga saaro.
Madaxweyne Xasan ayaa shalay intuusan Caddale ka soo bixin wuxuu amray ciidamada inay 24 gudahood soo celiyeen gacan ku heynya Degmada Masaajid Cali Gaduud.
Weerarka dhulka iyo cirka uga socda Alshabaabka wali ku jira Degmada Masaajid Cali Gaduud wixii ku soo kordha wararkeena danbe ayaad kala socon doontaan insha allaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM