Duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka gaysteen Gobolada shabeelaha hoose iyo Shabeelaha dhexe oo laga helaayo warar dheeraad ah.

Duqeymaha ay saaxiibada caalamku ka sameeyeen Gobolka Shabeelaha hoose ayaa la soo sheegayaa in lagu dilay saraakiil iyo ciidanmo Alshabaab ka tirsan kuwaasoo qaarkood ay ajaanib yihiin sida wararka soo baxaya sheegayaan.

Advertisement

Deegaanada gantalada lala dhacay waxaa ka mida sablaale,aracow iyo haawaay waxaan wararka la helaayo sheegayaan in duqeyahaan lagu bartilmaameedsaday Alshabaab watay gaadiid qaraxyo ka buuxaan xili ay Muqdisho u soo wateen si ay isugu qarxiyaan.

Sidoo kale duqeymaha waxaa lagu dilay loogana hor tagay dagaalamayaal naftood hurayaal ah oo Alshabaab u soo diyaariyeen inay isku qarxiyaan ciidamada iyo saraakiisha ee howlgalada ka wada Gobolka Shabeelaha dhexe gaar ahaan goobihii dhawaan dagaaladu ka dhaceen.

Dhanka kale duqeymaha kale ayaa ka dhacay deegaanka Caadleey ee Gobolka Shabeelaha dhexe halkaasoo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab.

XAIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here