Muqdisho, 21 July 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xafiiska Mashruuca Nagaad oo ah Xafiis ay ku shaqeyn doonaan howlwadeenada Mashruucaan oo ay maalgeliso Bangiga Aduunka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha Xafiiskaan uu wax badan ka tari doonno sidii loo dar-dargelin lahaa Mashruuca Nagaad ee loo qorsheeyay in wax lagaga qabto Dhismaha Kaabayaasha Isku-socodka dadweynaha, Xal-u-helida Biyo-mareenada iyo Bulaacadaha Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhagaxdhiga waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Xiriiriyaha Mashruuca Nagaad ee Gobolka Banaadir Omar Hussein Mohamed, Agaasimeyaal iyo Mas’uuliyiin kale.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
May be an image of 5 peopleMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people, newsroom and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 4 people and beardMay be an image of 7 peopleMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 people and text that says "DHA XAF AX DHIGA DHISMAH MASH JUCA NAG OBOй BO ANAADIR C 024 pgadishu Municipality H"
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here