Muqdisho, 09 December 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray 10 Waddo oo interlock oo laga hirgeliyay Xaafada Taleex ee Degmada Hodan.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay Maamulka iyo Bulshada Degmada Hodan iskaashiga ay ku dhisteen waddooyinkaan oo muhiim u ah isku socodka iyo bilicda Degmada, asigoona sheegay in Degmada Hodan ay tusaale muuqda u tahay Degmooyinka kale ee Gobolka Banaadir.

Mid ka mid ah Waddooyinka ugu muhiimsan ee maanta la xarig jaray ayaa loogu magacdaray Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya AUN. Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoona munaasabadda xarig jarka ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiyaha Degmada Hodan Md. Cali Axmed Faarax, Xildhibaano, Ganacsato iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
May be an image of 5 people, car and suitMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 1 person, road and streetMay be an image of 14 people, suit and weddingMay be an image of 14 people, suit and weddingMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 8 people and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, beard and suitMay be an image of 5 people, crowd and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 11 people, street, crowd and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 8 people, suit and weddingMay be an image of 3 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here