Muqdisho, 23 August 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer dhiiragelin ah ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidamada Amniga ee Howlgalka Amni xaqiijinta ka wada duleedka Degmada Garasbaaley ee Magaalada Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay ciidmada sida geesinimada leh oo ay naftooda ugu hureen bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka soomaaliyeed, waxaa uuna si gaar ah u xusay 4-marxuum oo ka tirsanaa ciidamada amniga oo isku dhigay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxo oo lala damacsanaa in lagu dhibaateeyo shacabka, asigoona balan qaaday in uu ka-faalad qaadayo qoyskooda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa saraakiisha laamaha amniga ku wareejiyay Deeq isugu jirtay 20-Neefaf oo Ari ah iyo Agab kale oo ay istecmaalaan Ciidamada, taasi oo qeyb ka ah dhiira-gelinta, ka warqabka iyo kor joogteynta ciidamada ku howlan sugida amniga iyo bad-baadinta nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Kormeerkaan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Hey’adda NISA ee Gobolka Banaadir Mudane Cabdifataax Shaaweeye, Guddoomiyaha Degmada Garasbaaley, Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag, Culuma’udiin iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Laamaha Amniga.

—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
May be an image of 11 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 2 people and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 1 person and textNo photo description available.May be an image of 4 people and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 3 people and people smiling
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here