Muqdisho, 29 December 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa garoonka Stadium Eng Yariisow ee Degmada Cabdicasiis kusoo xiray tartanka kubada cagta ee isdhaxgalka dhallinyarada Gudaha Dalka iyo Dibada kaas oo sanadkaste lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Xiritaanka tartankan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed, Guddoomiyaha isbortiga Gobolka Banaadir, taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, lataliyaha Madaxweynaha JFS iyo marti sharaf kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa koobka tartankan gudoonsiiyay kooxda kubada cagta ee Degmada Kaaraan oo 1-0 uga adkaatay ciyaartoyda kooxda kubada Cagta UK Star, iyada uu Guddoomiye Amiir tilmaamay in ciyaaraha ay kaalin weyn ku lee yihiin isdhaxgalka bulshada iyo horumarinta Nabada
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
May be an image of 2 people and crowdMay be an image of American football, football and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and people smilingMay be an image of 2 peopleMay be an image of 4 people, people playing football, people playing American football and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of 13 people, suit and daisMay be an image of 8 people, beard, dais and text
May be an image of 3 people, crowd and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 4 people and textMay be an image of 3 people and people smilingMay be an image of 8 people, people playing football and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here