Muqdisho, 16 September 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Norwey u fadhiya Soomaaliya Mudane Carsten Carlsen, iyagoona ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga wada-shaqeyn ee ka dhaxeeya Dowladda Hoose ee Xamar iyo Safaaradda dalka Norwey.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay xoojinta barnaamijyada horumarin oo ay Dowladda Norwey ka fuliso Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Banaadir iyo sidii loo dardargelin lahaa adeegyada xafiiska Dad-dhigidda Dowladda Hoose ee Xamar oo ka shaqeeya diiwaan gelinta madaniga ee Gobolka Banaadir.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—
May be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 5 people, newsroom and daisMay be an image of 2 people, beard, suit and newsroomMay be an image of 2 people, dais and newsroom
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here