Muqdisho, 21 December 2024: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay Shirka Guddoonka sare ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Duqa Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoona ka warbixiyay shaqooyinka iyo howlaha ka socda Xafiisyada, Caqabadaha iyo horumarada laga gaaray dhinacyada Maaliyadda, Amniga, Siyaasadda, Arrimaha Bulshada iyo Howlaha Guud.
Guddoomiye Amiir ayaa kula dar-daarmay Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir sidii loo dar-dargelin lahaa qorshayaasha lagu horumarinaayo Caasimadda iyo in Bulshada Gobolka Banaadir la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod sidii ay usoo dooran lahaayeen hogaankooda.
—𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃—






Advertisement