MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shalay waxaa Magaalada Muqdisho si rasmi ah loo soo gaarsiiyay laba ka mida Nuuca ugu dambeeya ee Drons-ka Bayraktar kaasoo ay soo saarto Dowlada Turkey waxaana si gaar ah loogu magacabaa Akinci waana mid ka sii casrisan nuuca kale ee Dowlada Somalia hore u heysatay ee TB2.
Diyaarad weyn oo Dowlada Turkey leedahay ayaa lagu keenay waxaana ka soo baxaya warar faah-faahinaya qiimaha qarashka ee diyaaradahaani ku fadhiyaan.
Labadaan Drone-ka ee loo yaqaano Akinci waxay mid kasta ku fadhidaa 8 milyan doolar waxaana Somalia qarashka ka bixiyay Dowlada Qatar iyagoona ka dalbaday Turkey, ugu dambeyna Muqdisho ayaa la soo gaarsiiyay.
Diyaaradahaan oo ka weyn kana casrisan midii TB2 oo hore Somalia u heysatay ayaa lagu wadaa inay ka qeybqaataan dagaalada ka dhanka ah kooxda Alshabaab.
Diyaaradaan duuliye la’aantavah ee Akinci waxay si xiriir ah u duuli kartaa Ilaa 25 saac, waxay qaadi kartaa gantaalo culeyskoodu gaarayo ilaa 1,500 oo kiilo,sidoo kale waxay halki mar xambaari kartaa ilaa 8 gantaal.
