Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay sanadkan cusub ee 2025 ay qorshaynayso inay inay shaqaalaysiiso in ka badan 151 kun oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Yuusuf Maxamed Aadan ayaa munaasabad uu ka qeyb-galay ka sheegay in sanadka curtay ee 2025, ay u qorsheysantahay inay shaqo helaan Boqol Kontan iyo Koow kun oo qof Soomaali ah.
Wasiirka wax faahfaahin ah kama bixin hannaanka ay u marayaan shaqaalaysiinta dadkaas iyo cidda ka taageeraysa, lama oga sida qorshahaasi u hirgeli karo maadaama xilligan dowladdu ay la daalaacayso culaysyo dhaqaale.
Kumaanaan dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo shaqa la’aan la tiicayaa ayaa jeclaan lahaa in hindisahani uu rumoobo, balse xaqiiqda fagaaraha taalla ayaa muujisay in suurta-galnimada qorshahani ay adagtahay, maadaama ay dowladdu wajahayso culaysyo dhaqaale oo baaxad leh.