Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in sahmintii shidaalku ay heer gabangabo ah marayso

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in inta badan sahmintii shidaalka ee Turkigu uu Soomaaliya ka wadday ay soo gabagabowday, islamarkaana boqolkiiba 70 la ogaaday xogtii la raadinayay.

Wasiirka Shidaalka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed oo laanta Af-soomaaliga ee VOA-da la hadlay ayaa sheegay in boqolkiiba toddobaatan la dhameeyay sahminta shidaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in dabayaaqada bisha April ee soo socata la soo gabagebeyn doono sahdinta, ka dibna loo gudbi doono heerka labaad oo ah qodista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here