Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka shaqeyneysa gogol wadahadal oo ay isugu keeneyso Xukuumadda Militariga ah iyo Mucaaradka Suudaan si ay uga wada hadlaan soo afjaridda dagaalka waqti dheer ka dhaxeeya ee ka socda Dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Suudaan baal dahab ah uga taallo maadaama ay horay uga caawisay dib u heshiisiinta, waxbarashada & dhinacyo kale oo ay ku garab istaagtay.

Advertisement

Fiqi ayaa sheegay in xiriir fac weyn uu ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudaan sidaas awgeed maanta oo ay ka fursad fiican yihiin aanay ku daawan karin dhibaatooyinka ka jira Dalkaas, dhabbaha lagu gaari karo nabadda iyo is fahamkana ay u taagan tahay Dowladda.

Waxa uu sheegay in dhinac weliba oo ka shaqeynaya sii hurinta colaadda Suudaan in Soomaaliya meel adag ka taagan tahay, fariinta uu u diray Xukuumadda iyo Mucaaradka ayuu ku dhex lifaaqay sida loogu baahan yahay is faham iyo xoojinta nabadda

“Suudaan oo Soomaaliya ayay soo garab istaagtay, abaal weyn ayay nagu leeyihiin, Mowqifka Soomaaliya waxa uu yahay in aan isku soo dhaweyno mucaaradka & Xukuumadda hadda jirta oo Muqdisho ku heshiisiino, waxa aan kasoo horjeednaa cid weliba oo faragelin negative ah ku heysa.” Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS

Rabshadihii ka dhacay Suudaan waxaa saameyn kasoo gaaray Muwaadiniin Soomaali ay kamid tahay kuwaas oo Waxbarasho Bilaash ah ka helay Dowladdii Cumar Al-Bashiir balse isku dhacyadii dhacay saameeyeen.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here