Wararka ka imaanaya Degmada Ceelbuur ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegay in fiidnimadii xalay ka dhacay hawlgal ay fuliyeen dadka deegaanka, kaas oo ka dhan ahaa Al-shabaab.

Hawlgalkaas ayaa ujeedkiisa ahaa mid si gaar ah loola bartilmaameysanaayay  guri uu degmadaas ka degganaa Horjooge ka tirsanaa Al-shabaab kaas oo lagu magacaabay  Yaxye Laba Madax.

Advertisement

Sidoo kale, Hawlgalka ayaa la sheegay in jiraan khasaare isugu jira dhaawac iyo dhimasho la gaarsiiyay AS,  oo ay ka fuliyeen dadka deegaanka guriga horjoogahan oo ku dhegan saldhigga Degmada Ceelbuur.

Degmada Ceelbuur ayaa haatan ka taagan xiisad u dhaxeysa Horjoogayaasha iyo Al-shabaab, oo iyagu degmadaasi ku wada sugan, iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in horjooge Yaxye Laba Madax uu dhaawac  soo gaaray.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here