Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo dheeraad ah geysay Shabeellada Dhexe oo maalmihii la soo dhaafay xubno ka tirsan AS dhaqdhaaqyo ka wadeen deegaannada gobolkaasi.

Goobaha ay dowladda Ciidamada dheeraadka ah geysay ayaa waxaa kamid ah furiimaha hore ee deegaanka Cadaan-laxeey iyo degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Advertisement

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliiska Gaarka Haramcad ayaa kamid ah askarta ay dowladda geysay furimaha hore ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidamada ayaa billaabay howlgallo ay ku xaqiijinayaan Amniga guud ee gobolka Shabeellada Dhexe, iyaga oo ka hortagaya dhaqdhaaqyada ay AS ka wadaan deegaannada ka tirsan gabolkaasi.

Sidoo kale, ciidamada ayaa waxaa wehliya askarta deegaanka ee loo yaqaan Macawiisley.

Madaxda Dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah AS ee ka soconaya gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here