Sida aan ka daawanay shirka Qaramada midoobe waxaa la ansixiyey howlgalka AUSSOM oo noqanaya ciidamda Cusub ee lagu badali doono ATMIS hase ahaate shirkaas waxaa gabi ahaanba laga reebay ciidamda Itoobiya in ay kamid ahaadan howlgalkaan cusub.

haddaba waxaa aad u soo dhaweeyey shacabka Soomaaliyeed in ciidamda Itoobiya aysan kamid noqon qorshaha cusub ee lagu xasilin doono amniga Soomaaliya, sida aytahay wali wax hadal ah kama soo saarin villa Somalia ama xukuumadda Xamza waxana laga dheehan karaa in wali u cadeyn dadka Soomaaliyeed ujeedada xukuumada ay ka qabaan in ciidamada Itoobiya laga reebay qorshaha cusub.

Advertisement

Talaabadaan aamusnaanta ah ee dowladda federaalka ayaa loo fasirin karaan in wali jiraan isfahan hoose ee ka dhaxeeye itoobiya iyo villa somalia waxaana ognahay dhawaan hashiis ay kala saxiixdeyn dowaldaha itoobiya iyo Somalia oo ay garwadeyn ka ahaayen dowladda turkiga.

Sikastaba ha ahaate waxaa soo badanaayo guuxa dadweynaha ee ka qabaan aragtida hashiiska in badda soomaaliyed ganacsi maahine wax kale la aqbali doonin dowladda hasan sheekh inkastoo dowladaha masar iyo Eratereeya ay diidan yihiin in ay Itoobiyaanka soo gaaran badda cas sidaa aytahay waxaa laga cabsi qabaa qalalaaso siyaasadeed in ay dhaliso hashiiskaas inkastoo mucaaradka dowladda kasoo horjeedo ay diidanyahay gabi ahaanba in heshiiska lala galo Itoobiya.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here