Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho ku celisay Guddoomiyihii hore ee G/ Hiiraan Cabdifitaax Xasan Faarax iyo mas’uuliyiin kale oo ku wajahnaa magaalada Beladweyne ee Xarunta G/ Hiiraan.

Beladweyne oo qorshuhu yahay in maanta lagu aaso Askartii lagu dilay Ceelbaraf ayaa waxaa ku wajahan mas’uuliyiin kala duwan oo gobalkaas kasoo jeeda, lamana oga sababta loogu diiday mas’uulkaan safarkiisa si uu uga qeybgalo aaska Ciidankaas.

Advertisement

Hiiraan, waxaa ka jira loolan siyaasadeed oo siyaasiyiinta dhaxdooda ah, waxa uuna loolankaas sababay in gobalkaas uu ku jiro dhibaatooyin badan oo xalkooda ku xiran yahay kala aragti duwanaansho iyo tanaasul la’aan

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here