Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa Xalay magaalada Muqdisho ka dirtay ilaa 11 gaari oo sida shixnado gargaar mucaawino ah, kuwaas oo ku wajahan deegaanada Ceel Cali Axmed iyo Alkowsar ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Shixnadaan gargarka ah ayaa ka kooban Raashin, Dawooyin, Teendhooyin iyo agabyo kale oo muhiim ah, kuwaas oo loogu talagalay iney ka faa’iidaysantaan ilaa 15,000 oo qoys oo ka barakacay dagaaladii ka dhacay maalmahii lasoo dhaafay deegaanadaas.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in gargaarkan uu ka mid yahay gargaaro la gaarsiin doono meelaha kala duwan oo ay ka dhaceen ama ka socdaan dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab.
“Gargaarkaan aan caawa sagootinay waa mid looga jawabayo baaqa ka yimid Hirshabeelle oo ku aadana in gurmad lala soo gaaro dadka ku barakacay dagaaladii ka dhacay Ceel Cali Axmed iyo Alkowsar oo ay ku barakaceen 15 kun oo qoys, gargaar kan la mid ah waxaan gaarsiin doona dhamaan meelaha ay ka socdaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab sida, Hiiraan iyo Bari oo ay ka socdaan dagaalo ka dhan ah Al-shabaab iyo Daacish” ayuu yiri guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle.
Wuxuu sidoo kale sheegay guddoomiyaha SoDMA in dowladda Fedaraalka ay ka go’an tahay caawinta Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay jogaan, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada ay ka socdaan howlgalada dalka looga xureynaayo Al-shabaab iyo Daacish.