“Howlgalkan iyo duqeymahaasi ayaa lala beegsaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan agagaarka degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, waxaana looga hortagay iskuday maleeshiyadu ku abaabulaysay weerar gaadmo ah, dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa dowladda Mareykanka iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah waxaa ka go’an cirirbtirka argagixisada Al-shabaab iyo Daacish” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
Howlgalkaan dhanka cirka ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo ay hakad galeen todobaadyadii lasoo dhaafay howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee bishii lasoo dhaafay sida xowliga ah uga socday deegaanada dhaca jiinka Wabiga Shabeelle, gaar ahaan kuwa hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan.
Ugu dambeyntii dowladda Fedaraalka ayaa sheegtay in howlgalada socda ay qayb ka yihiin istaraatijiyad balaaran oo lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee khatarta ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo Caalamkaba.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka oo dhameystiran:-