Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa bogaadiyay dagaalka culus ee ciidanka Puntland kula jiraan kooxda Daacish ee ka socnaya dhulka Buuraleyda ah.

Wasiir Alcadaala ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay u midoobaan dagaalka dalka looga ciribtiraayo kooxda Daacish.

Advertisement

“Hambalyo iyo bogaadin Geesiyaasha Daraawiishta Puntland oo Buuraha ku baacsanaya Khawaarijta Daacish. Waxaa garabkiina taaqan Qarankiinna iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed. Khawaarijtu, waa Cadaw si siman halis ugu ah Dadka Soomaaliyeed ciribtirkoodana waa in loo midoobaa” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Alcadaala.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Alcadaala ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhulka buuraleyda ah ee Puntland ka socdan maalmahii ugu dambeeyay dagaalo khasaare xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Daacish ee fariisimaha ku laheyd deegaanada Puntland, gaar ahaan buuraha gobolka Bari.

Shalay ayay aheyd markii dagaalo xoogan oo dhexmaray ciidanka Puntland iyo kooxda Daacish lagu dilay in kabadan 20 xubnood oo ka tirsanaa Daacish, kuwaas oo la tilmaamay iney ku jireen 4 xubnood oo ajaaniib ahaa

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here