Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Macalin Fiqi oo shalay gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, ayaa wada-hadallo rasmi ah halkaas kula yeeshay dhiggiisa dalka Masar, Mudane Badar Cabdilati.

Wada-hadalladan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal, sida lagu cadeeyey war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Advertisement

“Waxaa wadahadalladaas xoogga lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah, sida amniga, siyaasadda, waxbarashada, iyo dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Cilaaqaadka soo jireenka ah ee Soomaaliya iyo Masar ayaa ku saleysan walaaltinimo iyo iskaashi waxtar leh, kaas oo qayb ka qaadanaya horumarinta labada dal.”

Sidoo kale, waxaa laga wadahadlay dadaallada la dagaallanka argagixisada, iskaashiga militariga, amniga, iyo howlgalka cusub ee Soomaaliya ka bilaabanaya AUSSOM.

Intii uu socday kulanka labada wasiir, ayuu Axmed Macalin Fiqi warbixin ka siiyay Badar heshiiskii Ankara ee dhawaan dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo dan u ah nabadda gobolka, sida ay u dhigtay Soomaaliya.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa dhiggiisa Masar u sheegay in heshiiskaas uu buuxinayo dhammaan dalabaadka Soomaaliya ee ah in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

 

Warar soo baxay markii uu heshiiskaas ka dhacay Ankara ayaa sheegayay in Masar ay ka carootay heshiiska ay Soomaaliya la gashay Itoobiya oo ah dal cadowga koowaad u ah labada dal ee Masar iyo Somalia, balse Masar ayaan weli ka hadlin heshiiskii Ankara.

Masar oo qeyb ka noqon doonta howlgalka ciidan ee ATMIS bedelaya ee Soomaaliya ka bilaabanaya 2025-ka ayaa si weyn ula dagaashan Itoobiya, waxayna gobolka Geeska Afrika si rasmi ah u soo jaleecday bilowgii sanadkaan, markaas oo Itoobiya ay daan-daansi ku bilowday Soomaaliya.

 

 

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here